Friday, November 13, 2009

Xarardheere waa magaalo hodon ah dhankasta bal an jaleecno in yar oo kooban Taariikhdeeda



Wikipedia Forever Our shared knowledge. Our shared treasure. Help us protect it.
Wikipedia Forever Our shared knowledge. Our shared treasure. Help us protect it.

Xarardheere

Ka Wikipedia

U bood: navigation, raadi
Xarardheere waa degmo ku taala deexda gobolka Mudug.
Xarardheere waa degmo xeebeed kaga taala soomaaliya dhinaca qorox ka soo bax ee [bari], gobalka eey ka tirsantahayna waa gobolka Mudug.
Waa degmo barwaaqaysan kana heli kartid waxyaabaha eey naftu u baahantahay, waxayna ku darsatay inay tahay degmo dalxiiseed qaboow xaga nulosha waa degmada maanta ugu qaalisan xaga nolosha degmooyinka Soomaaliya.
Siyaasad ahaan waa degmo ka nabadoon dagaalada galaaftay dalka qaybihiisa badan. Degmada waxaa daga beesha Waceysle Abgaal, Shiikhaal, Saleeman, Ceyr iyo Saruur oo ka wada tirsan beesha Habargidir.
Degmadaan oo ah meel Ilaahey ku manneystay qeyraadka sida baddii, xoolihii, beerihii intaba. Waxaa kale oo degmada ku teedsan magaalooyin aan ka dhicin iyo  tuulooyin dhowr ah sida Dhalwo, Dumaaye, Dabagalo, Jowle, Qosoltire, Ceelhur, Keynaan, Caad,Tuulaxaaji,Tawakal,Burjiriqo,Xabadeey,Sheekhcilmi,Caloolacad,
Sarmaan,Huursane,Dhaluuga, Cagacadde, Ilbir, Camaaro iyo Deegaan.
Haddii aannu dib u jalleecno waxaa ku dhashay Xarardheere siyaasiyiin caan ah sida:
1. Cabdirashiid Cali Sharmaarke, madaxweynii hore ee Soomaaliya (1967-69). 2. Maxamed Siciid (Jentelmaan), xildhibaan ka ahaa barlamaankii (1960-69). 3. Maxamed Abshir Muuse, taliyihii ciidanka boliska 1960-68. 4. Nageeye Gacal Kuul(Garxiir) halyey aad looga yaqaan deegaanka ahaana korneyl 1956-67
Waxaa kale oo ka mid ah taariikhda Xarardheere in sanadkii 1911 uu soo gaarey halyeygii Soomaaliyeed Maxamed Cabdulle Xasan (Sayidka), isagoo markaa doonayey ciidan waxaana uu lakulmay odayaashii Xarardheere si wanaagsan ayaana loo qaabiley waa markii uu tiriyey tixdan gabayga ah: "Heyb aan diblooraacin iyo darab Saruur baaleh."

3 comments:

  1. waa qalad waxa qoran waxaa laga tagay belehii dired ee daga xarardhere waxey dagaan degaamo hostaga xarardhere sida gaan celcabdi celyuusuf waxey dir waxey kayihiin surre qubeys axmed faarax fadlan hadaa taarikh qoreyso wax saxan qoor ama iska dhaaf lamaqoro taarikh qaldan mahadsanid

    ReplyDelete
  2. Xaskulhawiye ayaadaga meelahas waxayna isla dagaan axmad farah markii hore labada qolo waxa laysku dhihi jiray jaaji lakiin hadda ninwalba dadkisa ayuu ku abtirsaday

    ReplyDelete