Monday, April 13, 2009

Shabaabka oo markale isku ifinaya toosh

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in dooni siday hub iyo ajanabi ay ku soo xiratay Dekedda Kismaayo, iyadoo amaankana aad loo adkeeyay, doontaan ayaa la sheegay iney u raran tahay Horjoogyaasha Maleehsiyaakda Shababka oo ay sido hub & Rasaas, waxeyna ka soo shiraacatay magaalada Casab ee dalka Eritrea iyadoo soo martay oo ku hakatay magaalo ka mid ah kuwa xeebaha ee dakla Yaman.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Doontani ay ka timid magalaada Casab ee dalka Ereteriya, ayna ku soo hakatay magaalo xeebta ku taal ee dalka Yaman, ayna halkaasi ka soo raaceen tiro badan oo shisheeye ah kuwaasoo la sheegay in qaar lagu dejiyay degaanka Xaafuun ee Gobolka Bari Puntland, waxeyna muddo kooban joogi doonaan magaaloyinka Bosaso & Garoowe.
Doontani ayaa saacadu markey aheyd abaarihii salaadda Casar kadib ayay ku soo xiratay Dekedda Kismaayo sida uu sheegayo mid ka mid ah dadka degaanka Kismaayo.
Horjoogaha Al Shabaab ee Magaalada Kismaayo Ibraahim xaaji Jaamac Meecaad (Akhgani) ayaa tagay Dekedda, iyadoo ay ku wehliyaan tiro maleeshiyaadkiisa gaarka ah & xubno kale, wuxuuna halkaasi ku qaabilay xubnihii ajanabi ahaa, kuwaasoo la sheegya inuu u kaxeeyay gudaha magaalada.
Magaalada Kismaayo ayaa waxay ka mid tahay degaanada ay Maamulaan xoogaga Al Shabaab, inkastoo maalihii ugu dambeeyay ay soo baxaayeen khilaafka xoogan ee u dhaxeeya Kooxaha ku bahoobay maamulka magaalada.

Xisbul islaam oo cabasho ka muujiyey hadaladii shalay ka soo baxay odogayaasha dhaqanka hawiye

Afhayeen ka trisan Xoogaga Islaamiyiinta Hubeysan ee Xisbul Islaam ayaa ka jawaabay Hadalkii shalay ka soo yeeray Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ee ahaa inaysan u Dul-qaadan doonin Dagaalo ka sii socda Magaalada Muqdisho.
Muuse Cabdi Caraale ayaa sheegay inay u arkaan Odayaasha inay Dhinac Gaar ah is-xijiyeen isla markaana ay Islaamiyiinta hubeysan Dhan ka noqdeen, taas oo uu sheegay inay kala Fogaynayso Xoogagooda iyo Odayaasha Dhaqan, isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “hadda Odayaasha waxaan u aragnaa inay Dhinac Gaar ah is-xijiyeen ayna Islaamiyiinta Hubeysan Dhan ka noqdeen ay waliba Hanjabaad iyo Dhaar ay ku Dhaqmeen, arimahaas oon isleeyahay waxay aad u kala Fogaynayaan Xoogagooda iyo Odayaashii iyada oo Cadowgii soo duulay joogo”.
Muuse Cabdi Caraale ayaa sidoo kale ku eedeeyay Odayaasha Dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye inay ka hadli waayeen dhibaatooyinka ay geysanayaan ciidamadda shisheeye ee ku sugan Muqdisho, wuxuuna yiri “Waxaa wax lala yaabo ah in Odayaashu ay ka hadli waayaan dhibaatooyinka ay geysanayaan ciidamadda shisheeye ee ku sugan Muqdisho, balse ay ka horyimaadaan oo kaliya dagaaladii ay la gali lahaayeen Mujaahidiintu,”.
Shalay ayay ahayd markii uu Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo Shir Jara’id ku Qabtay Magaalada Muqdisho uu si kulul uga hadlay Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee ka dhacay Caasimada, wuxuuna yiri “anaga oo ku hadlayna Muqdisho Dadka ku Nool Afkooda, Ma loo Dulqaadan karo waxyaabaha hadda socoda, gees ayaan ku nahay waan ku dhiiranahay, mana la aqbali karo maalin walba nin Gurigiisu Nabad yahay inuu inta ka sameeyo Dagaal oo uu ka Iclaamiyo Wallaahi Billaahi Tallaahi inaan qaadan Karin Dadka Bulshada ahna aysan Qaadanayn, Xisaabta wax ka mamnuuc ah iyo Meelaha ugu dambeysa yaan nala geynin Gogol ayaa noo fidsan qofka wax Khaldan Arka oo islaamka uga dhex jeedaa ama Soomaali uga Dhex jeeda ha soo bandhigo wuxuu rabo Banaanka ha soo dhigo wixii khalad ah waa laga qaadan wixii sax ahna waa looga Naseexaynayaa, laakiin waxaan rabaan kugu sameynayaa gurigayguna waa Nabad gurigaygana anaa Maamula Wallaahi Bilaahi Tallaahi inaanay Caqliga Bini Aadamka Galayn lana Qaadan Karin, waana ka soo horjeedaan”.
Dadka qaar ayaa u arka in ay soo xirmayaan Dadaalo Badan oo ay ka dhex wadeen Odayaasha Dhaqanka iyo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Dowlada Midnimada qaran & Xoogaga islmaayintaa Hubeysan ee weli dagaalada ka wada Muqdisho kaliya.