Saturday, April 18, 2009

Sir culus oo la helay sababtii loo dilay mujaahid kaahiye oo xogteeda oo rasmi ah la helay iyo cida sida rasmiga ah u dishay mujaahidka allaha unaxari

Iyadoo subaxnimadii Khamiistii lagu dilay magaalada Muqdisho taliyihii ciidamada maxkamadaha garabka Sheekh C/qaadir Cali Cumar kaasoo lagu magaaabi jiray Shariif Maxamuud Xasan kuna magic dheeraa (Kariye), ayaa waxaa soo baxaya warar xaqiijinaya kooxaha falkaasi ka dambeeyey iyo sababta loo aaneynayo.
Wararkan ayaa tibaaxaya in marxuum Shariif Kariye 13.04.2009, xilli galab ah uu kula kulmay dhalinyaro yar yar oo afafku cimaamado ugu xiranyihiin, kuwaasoo hoobiye soo dhigtay nawaaxiga Xaafada Shiirkole ee degmada Hodon, halkaasoo ay ka duqeynayeen Garoonka Aadan-cadde International oo uu ka dhoofayay Senator ka soday dalka Mareykanka.
Marxuumka ayaa ka hortegay dhalinyaradaasi si adagna ugu wargeliyay inay joojiyaan madaafiicda shacabka dhibaateyneysa, haddii ay doonayaan weerarna ay si fool ka fool ah u aadaan garoonka, waxaana halkaasi dood adagi ay ku dhex martay dhalinyaradaasi iyo Shariif kariye.
Hadalka Shariifka ayay isku dayeen dhalinyaradu inay iska dhega tiraan ayna sii wataan hoobiyeyaasha ay u ridayeen jihada Garoonka, isagoo inta soo dul istaagay dhuuntana ka qabtay hoobiyihii meel bacaad ahna ku tuuray, una sheegay inay ka dhaqaaqaan goobtaasi, iyaga oo markii dambe isaga tegay goobtaasi.
Dhalinyaradaasi ayaa la tilmaamay inay madaxdoodii u sheegeen in galabta uu is hortaag ku sameeyey xili ay jihaad ku jireen ninka lagu magacaabo Kariye, waxaana intaasi kadib u Fatwooday saraakiisha sare sare ee Al shabaab oo iyagu intooda badan jooga gobolada.
Intaasi kadibna waxaa weerar barqocad ku soo qaaday marxuum Kariye dhalinyaro ka tirsan Al shabaab kuwaasoo watay labo gaari oo Tonnet ah iyagoo rasaas ku furay taasoo keentay inuu u geeriyood.
Xoogaga Al shabaab ayaa iska fogeeyey inay wax lug ah ku leeyihiin dilka marxuum Kariye, inkastoo saraakiisha maxaakiimtuna ay ku caddeeyeen sheegeena inaan loo baahneyn in shakiba la geliyo qaarajinta Kariye ayna ka war hayaan.
Ma ahan markii ugu horeysay ee dad sedan oo kale loo dilo kuwaasoo ka hadlay danaha shacabka iyo in la joojiyo dagaalada, waxaana ugu dambeeyey odayaasha dhaqanka Hawiye oo iyagu si cad u sheegay in la joojiyo dagaalada, taasoo keentay in loogu hanjabo in madaxa loo dhiigeyn doono.