Wednesday, May 27, 2009

Ururweynaha ahlusunna waljamaaca oo soo bandhigtay hub iyo saanad milateri ay kala wareegeen alshabaab iyo xizbulislaam.





AHLU-SUNNA OO JIIDDA DAGAALKA KU DIGRINAYA !!!


Ciidamada ahlu-sunna wal-jamaacah ee ku sugan jiidaha hore ee deegaanka wabxo ayaa waxa ay yihiin kuwa isla huwan Diktooni iyo Digrigii oo garab socda , Oo aad arkayso mar ay wadaan qur aan aqris , Digri , salaad iyo difaac aad u daran .

Markii aad si hoos ah u waraysato dadka deegaanada ay Culumaada ahlu-sunna wal-jamaacah gacanta ku hayaan waxa ay yihiin kuwa aad u taageeraya qaabka ay culumadu wax ku wadaan , ayagoo kugu oranaya waa wax ay ahlu-sunna mar hore ka seexatay , balse taa sii raacinaya waxa ay ahaayeen kuwa masaajida , dugsiyada , mowlacyada diinta ku faafiya oo da'yarta soomaaliyeed diinka noo baray .



Culumada Ahlu sunnah oo digrineeyso


Hooyo caasho xasan oo aan kula kulannay magalada wabxo ayaa waxa ay tiri " Culumadu waa culumadeenii ee diinka mashriq ilaa maqrib soo hagi jiray , wana kuwii diinka nasoo gaarsiiyey , waana garab taaganahay hiil iyo hooba , allaha garab galo .

Hadaba , Taageerada shacabku waa mid gaarsiisan heerkii ugu danbeeyey , maxaa yeeley ciidanka ahlu-sunna waa kuwa ay ka muuqato wajiyadoodu diinta oo ay ku jiraan mashaaikh waaweyn , macalimiin dugsi iyo ardaydoodiiba , taana waa mida aad akhristoow ku arkayso sawirada .




Degmada Wabxo oo ay gacanta ku haayan Ahlu sunaah


Isku soo wadaduuboow , Ciidamada ahlu-sunna , ayaa halgankan ay jiraan waxa ay ku darsadeen sida ay shacabku u garab taaganyihiin ,lamana oga halka uu halgankani uu saldhigandoono.

No comments:

Post a Comment